400 Ciidamo boolis ah oo tababar loogu soo xiray magaalada Cadaado

400 Ciidamo boolis ah oo tababar loogu soo xiray magaalada Cadaado

Ciidamadaan maanta tababarka ay ugu soo xireen si wada jira taliyaha booliska soomaliyeed sareeye Gaas Maxamad Shiiq Xasan Xaamud Madaxweynaha Galmudug Cabdi kariin xuseen guuleed ayaa ah dufcadi ugu horeeysay oo ciidamo booliska galmudug oo tira ahaan gaarayay 400 oo askari oo 60 kamid ah haween ay yihiin oo tababar uga soo baxo dugsiga tababarka Degmada Cadaado.

munaasabad kooban oo lagu qabtay garoonka kubada cagta ayaa ciidamada  madaxda hortooda ku soo bandhigay gaada kaciyaar muujinaya 3 bilood tababarki ay soo qaaateen waxana halkaasi lagu gudoonsiiiyay hadyado kala duwan.

taliyaha Booliska Galmudug  Gaashaanle sare cabdi casiis yuusuf adan dhaga badan ayaa u mahadceliyay taliska ciidanka boliiska Soomaaliyeed dorka ay ka qaateen tababarkaan maanta lasoo xiray .

taliyaha ciidanka boliiska soomaaliyeed sareeye gaas maxamad shiikh xasan xaamud  ayaa sheegay in tababarkaan ay qaateen ciidamadan cusub dowlad goboleedka galmudug ay kutimid iskaashi dhaxmaray maamulka galmudug iyo taliska ciidanka boliiska soomaaliyeed isagoona ugu baaqay ganacsatada galmudug in juhdi galiyaan ciidankan cusub sidii howlahooda u gudan  lahaayeen.

Madaxweynaha dowlad goboleedka galmudug C,kariin Xuseen Guuleed ayaa ugu dambeyntii soo xiray tababarkan mudada 3,bilood socday, isagoona ciidankaan kubooriyay in kaalin mug leh kaqaataan sugida arimaha doorashooyinka ee ka dhacaya deegaanada galmudug

ciidamadan cusub iyo ciidanka baanda muusiko boliska  ayaa socod dheer kusoo maray wadooyinka magaalada Cadaado, waxaana isugu soo baxay bulshada Degmada oo usoo daawasho tagay dhoola tuska ciidanka sameynayay .

bolis1bolis2bolis3bolis4bolis5bolis6bolis7bolis8bolis9bolis10bolis11bolis12bolis13bolis14bolis15bolis16bolis17bolis18bolis19bolis20bolis21bolis22bolis23bolis24bolis25bolis26-kopiabolis26bolis27bolis28bolis29bolis30bolis31bolis32bolis33bolis34bolis35bolis36bolis37bolis38bolis39