Arrimaha Galkacyo: Kala qeybsanaan baaxad weyn oo u dhexeysa Soomaalida ku nool...

Arrimaha Galkacyo: Kala qeybsanaan baaxad weyn oo u dhexeysa Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka

Kala qeybsanaan baaxad weyn oo u dhexeysa Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka oo ku saabsan duqeyntii ay diyaaradaha dalka Mareykanka ay ka fuliyeen duleedka magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa la sheegay inay soo shaacbaxday ka dib kulan ay Soomaalidaas la yeesheen Safiirka dalka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya iyadoona ay qaar weydiisteen Safiirka inay jawaab cad ka bixiyaan weerarkaas halka ay qaarna ay taageereen weerarkaas. 

Halkaan ka Daawo Kala Qeybsanaanta Soomaalida ku nool Magaalada Minnesto ee Dalka Maraykanka

Safiirka dalka Mareykanka u fadhiya dalka Soomaaliya Stephen M Schwartz oo dhawaantaan kulan la qaatey Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ayaa halkaas waxaa ka muuqday kala duwanaanshaha Soomaalidaas ee ku aadan weerarkii iyo duqeyntii ay diyaaradaha dalkaMareykanka ay ka fuliyeen duleedka magaalada Gaalkacyo, Qaar ka mid ah dadkii Goobtaas ku sugnaa ayaa safiirka waxay weydiisteen inay baaritaan qoto dheer lagu sameeyo weerarkaas oo ay ku sheegeen inuu ahaa mid qalad ahaa islamarkaana lala beegsaday ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug, Laakiin kuwo kale ayaa aaminsanaa arintaas mid ka duwan ayagoona Safiirka u sheegay in weerarkaas uu ahaa mid sax ah islamarkaana lala beegsaday kooxda Alshabaab kuwaas oo qorsheynaayey inay falal amni daro iyo qaraxyo ah ay ka fuliyaan degaanadaas. 

Ugu dambeyntiina iyadoo arinta ka dhacday kulankaas ay marqaati cad u tahay kala fogaanshaha dadka Soomaaliyeed ayaa fikirkaas kala duwan waxaa uu yahay mid ka turjumaayo mowqifka ay kala taagan yihiin maamulada Galmudug iyo Puntland, ayadoona duqeyntaas ka dib ay dhowr maalmood dibadbaxyo isdaba joog ah oo looga soo horjeedo duqeyntaas ay ka dhaceen degaanada maamulka Galmudug halka maamulka Puntland ay u arkayeen weerar lagu qaaday Alshabaab, Safiirka dalka Mareykanka ayaa Jawaabtiisu ku saabsan arintaas waxay ahayd inuu waqtigaas xaadirka ah uusan wax faah faahin ah kala socon arintaas sidaas awgeedna uu waxba ka sheegi karin sida ay wax u jiraan. 

Abdirizak M. (Xiireey) 
Holland 
Abdirizakxiireey@hotmail.com