Madaxweynaha Galmudug oo la Kulmay Madax ka Socota Mareykanka

Madaxweynaha Galmudug oo la Kulmay Madax ka Socota Mareykanka

Madaxweynaha Galmudug Cabdi kariin ayaa la kulmay Madax ka socota Dowlada Mareykanka.

Cabdi kariin ayaa la kulmay Safiir ku xigeenka Mareykanka ee somalia iyagoo ka wada hadlay Duqeynta lagu Dilay Ciidanka Galmudug Kulankaasi oo Muqdisho ka dhacay.

Madaxda ka Socota Mareykanka ayaa Madaxweynaha kala Hadlay arimaha Duqeynta waxana ay sheegeen in Baaritaan uu ku socdo Duqeynta Dhacday.

Warar Hoose oo Mudug24 Heshay ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Laga Codsaday in Xiisada uu Dajiyo isla markana arintaasi Galmudug loo soo gudbindoono.

Waxaa kaloo lagala Hadlay in ay sii socon karto wada Shaqeynta Mareykanka iyo Maamul Goboleedka Puntland.

Waxaa la Filayaa in madax kale ay soo gaaridoonaan Magaalada Cadaado iyadoo laga Hadlayo Arimaha Taagan ee duqeynta Dhacday.

Wixii ku soo Kordha Lasoco.

Mudug24. Cadaado

05-10