Golaha Wasiirada oo war-murtiyeed ka soo saaray duqeyntii Gaalkacyo

Golaha Wasiirada oo war-murtiyeed ka soo saaray duqeyntii Gaalkacyo

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta isugu yimid kulan koodii joogtada ahaa ayaa ka dooday arrimo ay kamid ahaayeen amniga dalka, waxaana kulunka shir gudoomiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carteh.

Ugu horeyntii Wasaaradda Amniga gudaha ayaa laga dhageystay warbixinta amniga guud ee dalka, waxeyna golaha u soo gudbisay warbixin ku saabsan duqeyntii ka dhacday duleedka Gaalkacyo, Afhayeenka Xukuumadda Mudane Cabdicasiis Cabdi Xaaji Gobdon ayaa warbaahinta u aqriyay war-murtiyeedka Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka soo saareen duqeeyntii Gaalkacyo oo aheyd sida tan:

  • Goluhu Waxey ka tacsiyeeynayaan geeridi ku timid shacbkii iyo ciidamada daraawishta ee Galmudug ee ka dhacay Bariga Gaalkacyo Arbacadii 28 kii September 2016;
  • Goluhu wuxuu walaac ka muujinayaa sheegashada Puntland ee duqeynta;
  • Goluhu wuxuu ka codsaday dowladda Mareykanka inay sharaxaad waafi ah ka bixiso weerarkii ay duyuuradaheedu ku qaadeen ciidanka daraawishta Galmudug, iyo waliba sida ay weerarkaas ula socodsiiyeen hey’adaha amniga Soomaaliya
  • Goluhu wuxuu guddi Wasiiro ah usoo saaray inay soo baaraaan weerarka lagu qaaday ciidanka Galmudug;
  • Goluhu wuxuu ugu baqayaa maamullada Galmudug iyo Puntland inay xiisadda dejiyaan.

—–DHAMAAD—–

IMG_5156 (1)IMG_5165IMG_5182