WAR CUSUB: M/weynaha DFS oo weerar adag ku qaaday Puntland & jiritaankeeda!

WAR CUSUB: M/weynaha DFS oo weerar adag ku qaaday Puntland & jiritaankeeda!

MUQDISHO(PTIMES)- Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa weerar culus oo dhanka Afka ah ku qaaday Puntland, isagoo si toos ah uga qeybgalayay Barnaamij Toos ah oo ka socday Mid kamid ah Tv-yada ku hadla Afka Soomaaliga.

Madaxweynaha dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay Puntland ka kooban tahay Barri & Nugaal, sida ka muuqatay hadalkiisa, maadaama uu muran galiyey gobalada Mudug, Sool & Sanaag.

Madaxweynaha ayaa yiri ”Puntland waxay hadda sheeganaysaa 10 gobal, waana labo gobal ee dawladdii hore Ogaada” isagoo ula jeeday in gobalada kale ee kamidka ah 18-kii gobal ay ka taliyaan maamulo kale.

Md, Xassan Sheekh hadalkiisan ayaa si weyn looga dareemay ama looga hadal hayaa deegaanada Puntland, waxaana muuqanaysa in xili uu ku jiro tarta adag oo siyaasadeed uu isku furay markale Badweyn dagaal ah.

Madaxweynaha ayaa dadaal dheer ugu jira sidii uu markale ugu soo laaban lahaa Hogaaminta Soomaaliya, laakiin hadaladiisa ayaa u abuuraya colaad iyo dagaal adag oo siyaasadeed, maadaama uu si kas ah u inkiray jiritaanka iyo Dastuurka Puntland.