Madaxweynaha dalkaTurkiga Recep Tayyip Erdogan oo Booqashadiisii Ugu Horaysay Kutagaya Dalka Ruushka

Madaxweynaha dalkaTurkiga Recep Tayyip Erdogan oo Booqashadiisii Ugu Horaysay Kutagaya Dalka Ruushka

Safarkii Ugu horeeyay ayuu U ambabaxayaa Madaxwayne Recep Tayyip Erdogan tan iyo markii uu fasgilmay Afgambigii dhicisoobay ee Xilka Looga Tuuri lahaa Madaxwayne Turkiga, waxa uuna ku tagi Doonaa Dalka Ruusha oo Si Dhab ah Caawimad uga Gaystay Sidii loo Fashili lahaa Afgambigaas.

Dowlada Ruushka ayaa Gacan ka gaystay Sida lagu Qoray Shabaakada SOTT.NET sidii loo fashilin lhaa Afgambigii Dhicisoobay ee ka dhacay dalkaas iyadoo soo warisay in Sirdoonka Xukuumada Moscow ay Ogaatay Afmbiga la doonayay in Xuluka Si Fool Xun looga tuuro Madaxweyne Erdogan.

Madaxwaynaha Ruushka Vladimir Vladimirovich Putin oo Khilaafaad Xoogan Kala Dhexeeyeen dhigiisa Turkiga ayaa iska ilaabay Khilaafaadka isagoo Si Dhab ah isu garab taagay waxaa una Usoo Diray la-teliye sare oo dhanka ammaanka ah Kaas oo si qarsoodi ah loogu soo diray Madaxwayne erdogan.

Ninkan uu soo diray hogaamiye Ruushka waxaa lagu magacaabaa Aleksandar Dugin, waxuuna u soo dhiibay qoraal looga digayay Erdugan in maalmo gudahood xoog loo gala wareeggi doono tallada dalka.

Sidookale waxaa dowladda Turkiga loo dhiibay liis dheer oo ay ku qoranayeen magacyada dadka abaabulaya inqilaabka.

iyadoo taas maanka lagu haayo ayaa Bil kadib markii uu Ruuska dhambaalkiisa soo gaarsiiyay Ankara, waxaa billowday Af-gambiga oo markii hore qorsheysu ahaa August, laakiin waa la soo hormiyay oo waxaa laga dhiggay July, kadib markii ay Milaterigu ka baqeen in la fahmo sirtooda taas oo ay qeyb ah Horayba U fakatay.

Sidoo kale Shabakada ayaa Qortay ay jirtay in aanu Xaqiiqada Tabin Warbaahinta iyadoo soo warisay” in 7 ka mid ah diyaaradaha dagaalka Ruushka ay caawinaad ka helayay qalabka difaaca ee S400 ay diyaaridihii Af-gambiga ugu hanjabeen inay soo ridi doonaan haddii uu soo qabto RAADEERKOODA, taasoo caawisay dowladda Erdogan maadama aysan Milaterigu awoodin inay sameeyaan dhaq-dhaaq xor ah.

Inkastoo dowladda Turkigu ay gashay halgan adag haddana xogtii ay ka heshay Ruushka ayaa sidoo kale wax badan ka caawisay.

Madaxwayne Erdogan ayaa Kulamo kula yeelan doona Dhigiisa Dalka Ruushka Vladimir Putin Magaalada Moscow ee Caasimada Ruushka, waxaana uu sheegay in uu doonayo in uu dib u soo celiyo  xiriirka kala dhexeeya Ruushka.

Labada hogaamiye ayaa wadahadalladooda maanta waxaa ay diiradda ku saari doonaan soo celinta xiriirka dhanka ganacsiga,maalgashiga iyo dib u soo celinta dalxiiska Labada Dal.

Madaxweyne Erdogan ayaa ka hor inta uusan soo amba bixin waxaa uu sheegay in Mr. Putin uu yahay saaxiib isla markaana uu doonayo in la furo bog cusub oo dhanka xiriirka labada dhan ah.

“Booqashadani waxaa ay iiga dhigan tahay calaamad muujinaysa xiriirka labada dhinac oo markale dib u bilaabanay,” ayuu yiri Madaxweyne Ordagan.

Tan ayaana Muujinaysa in Madaxwayne Erdogan uu iska Eegi doono Dalalka Reer galbeedka Isagoo aan Qarin sida uu ugu tuhunsan yahay Afgambiga Fashilmay Mareykanka iyo reer galbeedka oo dhan, waxuuna marar badan yiri ” waddamo aan saaxiibo dhow moodnay ayaa na khiyaamay, waase la kala baxayaa”