Madaxwaynaha Galmudug oo Si Diiran Muqdisho Loogu Soo Dhaweeyay

Madaxwaynaha Galmudug oo Si Diiran Muqdisho Loogu Soo Dhaweeyay

Madaxweynaha Maamulka goboleedka Galmudug ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho, kadib markii xaalad caafimaad uu u tagay dalka Hindiya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Fedaraalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’ake, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Fedaarlka, Wasiiro ka tirsan Galmudug iyo dad kale ayaa si diiran ugu soo dhoweeyay madaxweynaha Dowlad Gobeelka Galmudug garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Galmudug ayaa U mahad celiyey masuuliyiinta uu horkacayey Ra’iisul Wasaaraha ee soo dhaweeyey, isagoo sheegay in xaaladiisa caafimaad ay aad u wanaagsantahay.

Madaxweynaha Galmudug ayaa shirka madasha ka maqnaa, waxaana matalayay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey, hase ahaatee warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Guuleed uu saxiixi doono war murtiyeedka shirka lagu wado in laga soo saaro.

Shirka Madasha Wada-tashiga ayaa maraya marxaladihii u dambeeyay, kadib afartii maalmood oo madaxda wada hadalo u socdeen, kaasoo ay go’aano kaga gaarayeen doorashooyinka sanadkan Dalka dhacaya.

Madaxweynaha Galmudug ayaa marka la soo gaba gabeeyo shirka Madasha waxaa uu Aadi doonaa magaalada Cadaado ee xarun Kumeel Gaarrka ah ee Maamulka Galmudug.