Baarlamaanka Soomaaliya oo badalay Labo Qodob oo Dastuurka ka mid ah

Baarlamaanka Soomaaliya oo badalay Labo Qodob oo Dastuurka ka mid ah

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay Badalaad ku sameeyeen Labo Qodob oo ka mid ah Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya,waxaana Kulanka maanta Shir Guddoominayay Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar.

Labada Qodob ee lagu sameeyay Badalaada ayaa kala ah Qodbka 136-aad oo dhigayay Qaadashada wax kabadalka Dastuurka iyo Qodobka 60-aad oo asna dhigaya Mudada Xil aheynta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada Codka u qaaday wax ka badalka Dastuurka KMG ah ayaa gaarayay 215 Xildhibaan,waxana Haah ugu Codeysay in  badalaad lagu sameeyo Qodobada aan kor ku soo sheegnay 208 Mudane,Halka Afar Xildhibaan ay diideen Saddexna ay ka Aamuseen.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Ilaa Sabtidii la soo dhaafay Dood Kulul ka lahaa Wax kabadal lagu sameeyo qaar ka mid ah Qodobada Dastuurka.