Soomaaliya Dhaqtar Ma laha

Soomaaliya Dhaqtar Ma laha

Dalka Soomaaliya ayaa waxa uu kamid ahaa dalalka ugu waaweyn ee xaga Caafimaadka ku hormaray xiligii dowladii kacaanka iyo dowladihii ka horeeyay oo Iyagu si aad ah ugu shaqeeyay in dadka soomaaliyeed ay helaan daawooyin tayo Leh iyo dhaqaatiir aqoon durugsan u leh wax yaabaha dadka ay ka dabiibayaan, Dowladana waxa ay koontarooli jirtay daawooyinka dalka soogalaya iyo kuwa Yaala ee dhacay{Expired} waxaaana dowladu ay aheyt mid dadka u diyaarisay Goobo caafimaad oo qalabeesan oo dowladu ay maamuleyso ayaga oo ka heli Kara dhamaan baahiyaha caafimaad ee ay qabaan sida: dadka waalida qaba ee Dhimirka, haweenka xaamilada ah ee hooyada iyo dhalaanka, caruurta yar-yar, Indhoolayaasha, cuuryaamiinta,xarumo caafimaad oo u gooni ah askarta iyo Dadka dowlada u shaqeeya, isbitaalo lagu daaweeyo qaaxada iyo tiibishada, kuwa Loogu dabiibo xanuuunada sida sonkorta iyo dhiikarka, iyo xarumo caafimaad oo Loogu talagalay in lagu karan tiilo dadka qaba cudurada halista ah ee dadka isu Gudbiyaan iyo xarumo kaloo caafimaad oo aad u tira badan kuwaasi oo hoos Imaanaya dowlada Soomaaliya isla markaana la’hubiyay qalabka ay ku Shaqeynayaan cida ka hool galeesa iyo daawooyinka ay bixiyaan oo dhamaantood Ahaa kuwa tayeesan oo sitoos ah u hoos imaanayay wasaarada caafimaadka ee Dowlada hoose.

Waxa aan tabobar iyo taakuleen la siin jiray dadka baadiyaha joogo Ee aan heli Karin daawadii saxda aheyt ee loobaahnaa goobta ay ku sugan yihiin Ayaana daawada lagu gaarsiin jiray.

Bur-burkii dowladii dhaxe kadib ee dowladii uu hagaaminayay General Maxamed Siyaad Barre ayaa waxaa dalka uu galay dhibaatooyin fara badan bur-bur baaxad Leh iyo dagaalooyin sokeeye oo dalkii oo idil waxa uu isu badalay goob dagaal oo Cidna aysan ku noolaan Karin waxaana ay sababtay in ay geeriyoodaan dhaqaatiir Aqoon u laheed caafimaadka kuwa kabarakaca dalka oo maciin bida dalal kale in Ay nolol karaadiyaan, goobihii caafimaadka oo burburay  iyo rajada qufka Xanuusan oo naqotay mid ku dhisan wal-wal iyo walbahaar.

Waxaana mudo kadib dalka ka hana-qaaday dowlado kumeel gaar ah oo dalka u Horseeday maanta in  Soomaaliya la’aqoonsado oo ay noqoto federal kadib markii Dalka mudo dheer uu kujiray burbur iyo dagaalo sababay in jiritaanka Soomaaliya Uu hoos u dhaco iyado oo waxwaliba ay dayacan yihiin.

Dhaqaatiirta Soomaaliya iyo Xarumaha Caafimaad Ee Maanta:

Waxaa hana qaaday xarumo caafimaad oo aad u tira badan iyo dhaqaatiir Sheeganaya in ay wax waliba dabiibi karaan oo darbiyada iyo boorarkooda ku Qortay{ Genaral Hospital} ee afka qalaad oo micnaheedu yahay isbitaalka guud oo Ay ugu tala galeen in ay ku qaabilaan cid waliba oo sheeganeesa caafimaad daro Mana jirto cid hubineesa xirfadooda shaqo, qalabka ay ku hool-galaan iyo Daawooyinka ay bixiyaan.

Waxaana jira dad badan oo soomaaliyeed  oo amar ALLAH ka sakoow u Geeriyooday dawadii saxda aheyt oo aan la’siinin halka kuwa kalena lagu marin Habaabiyo daawooyin aysan shaqo ku laheen arintaa oo keenta in cudur iyo jiro Hor leh uusan qufku qabin in ay ku dhacaan iyada oo la’adeegsanayo kalkaaliye Caafimaad oo lagu shaqo galiyay reer hebal, sheybaar aan jirin iyo lasocotka qufka Bukaanka oo meesha kamaqan waxaana arkeesaa hadii aad booqato xarumo Caafimaaad oo kuyaala gobolada dalka gaar ahaan magaalaooyinka sida: Mogdisho, Hergeesa, Kismaayo, Hobyo, Boosaaso, iyo kuwa kale, waxana durbadiiba ishaadu qabaneesaa in isku si Aanan oo Daryeelin dadka ehel-wadaaga ay yihiin kuwa ka shaqeeya ama Kuwa iska-leh xarunta caafimaad iyo shacabka kale ee  u Yimid daryeel caafinaad In ay helaan,  waxaana durbadiiba kuu muuqaneesa in 3-6 hoolwadeen ay kor Taagan yihiin qofka ay yaqaanaan ama Ehel-wadaaga  yihiin halka buukaankii kale Uu dayacan yahay.

Dhaqaatiirta ayaa u badan in ay ku fakiraan qaabkii ay ula bixi lahaayeen jeebka Lacagta bukaha oo laga yaabo in si adag uu ku helay, waxaana arkeesaa wiilal-yar Yar oo kiriistay qolol isla markaana sheeganaya dhaqaatiir oo laga yaabo ayaga Qudhooda in haba-yaraatee wax aqoon ah ay u leeyihiin jirada uu sheeganayo Qofka iyaga u imaanaya.

Haddii aa booqato xarumo caafimaad adiga oo sheeganay hal jiro oo kaliya waxaa Kuu soo baxay 100 jawaabood oo kala duwan in lagaa soo sheego halka marnaba Aadan fileenin{ Negative} marka laga reebo %5 oo daacadnimo iyo diin ay ku Dhisantahay hoosha uu gudanaya.

Waxaa dhacda in dhaqtarka uusan kuu sooqorin dawadii saxda aheyt asiga oo og Si’ aad ugu soo laabato mar kale oo daawooyin uga soo  iibsato waxaana dalka ku Soo badanaya xarumo caafimaad oo dadka lagu dhacayo oo lagu marn Habaabinayo sida in isbitaalkan uu xiriir la’leeyhay wadan hebal oo waxba kama Jiraan ah maxaa yeelay majoogo dhaqtar wadankaas ka’socda mana lagu bixiyo Daawooyinka rasmiga ah ee lasiiyo dadyooga kale ee dalkaasi ku nool, mana u Ogala dowladoooda in laga dhoofiyo daawooyin aanan la’ogeen meesha ay u Socdaan  waxaan goobjoog aan u ahaa dad badan oo u dhintay caafimaad darro Kala soo daristay isbitaalada iyo kuwa u dhiban dhibaatooyin ay kasoo qaadeen Xarumo caafimaad iyo kuwa kale oo ladarsay jirooyin joogta ah oo ku daba Dheeraaday.

Haddii ay dadka lacagta leh iyo madaxda dalka sida: Madaxweynaha, Ra’isul-Wasaaraha, Baarlamaanka, Wasiirada iyo madaxda kale ee dalka ay Dareemaan xaalad caafimaad darro waxa ay tagaan dalalka Kenya iyo wadamo Kale oo katirsan qaarada Europe xitaa madax xanuun  iyo hubin caafimaad  hadii Ay u Baahdaan, sidoo kale dhaqaatiirta qudhooda ayaa ah kuwa isku soo dabiiba Wadamo kale oo kabaxsan dalkeena Hooyo ee Soomaaliya arintaas oo kadhigan Hadii shacabka soomaaliyeed  ay ahaan la’haayeen kuwa lacago badan heesta in wadanka aynan Isku aaminin sida madaxda dalka ay yihiin oo kale.

Booqashada iyo lakulanka dhaqtarka goobta caafimaad ayaa lagu bixiyaa 10-15$ Oo visitada ah waxaana dhacda in durbadiiba laguu xar xariiqaa daawooyin aan Lagaa dhageesanin xanuunkooda iyo wax ku haya iyo sharaxaad ku saabsan Heerka caafimaadkaaga uu gaarsiisan yahay , mana jirto warbixin iyo su’aalo lagaa Weydiinayo caafimaadkaaga iyaga oo muhiimada u arka in lacagta bukaha ay Qaataan, arintaasi oo ah wax aad looga xumaado isla markaana u baahan in Si dag-Dag ah in wax loogu qabto waxaa maalin waliba lakulma shacab soomaaliyeed oo Laga yaabo in ay  si adag qarashaadkaasi ay ku heleen.

Maxaa diidaya in la hubiyo xarumaha caafimaad ee dalka dhaqaatiirta sheeganaya In ay ka howl-galaan iyo qaabka ay u hool-galaan oo waxbadan laga qaban karo?

Hadaba maxaa ka hortaagan halkaasi oo ay kamaqantahay kaalintii dowlada Federalka soomaaliyeed ee kaga aa Daneet hool galinta wasaarada caafimaadka Iyo hubinta daawooyinka dalka soogala iyo kuwa yaala ee dhacay arintaa oo Dhibaato ay kala kulmaan shacab waliba oo soomaaliyeed hadii ay bukoodaan.