QALLINKA QALLOOCAN JOOJI

QALLINKA QALLOOCAN JOOJI

Qaabka wax loo kala gudbiyo mar walba waa lagu kala duwan yahay, qof walbana Haybad gaar ah ayuu Alle u siiyey in uu wax ugu gudbiyo bulshadiisa.

Hadaba, Qallinka waa qaab ka mid ah qaababka wax loogu gudbiyo bulshada, loogana dhaadhicin karo ama lagu tusi karo markaa wax la doonayo in ay wax badan ka ogaadaan,ama looga digi karo.

Qallinku waa qayb ka mid ah Warbaahinta, waana warbaahiye balaaran oo dhinacyo badan oo aadan filayn gaari karo, waxaana wanaagsan in si wanaagsan loo adeegsado maadaama uu ka mid yahay haybadaha aan la helin ee qaaliga ku ah bulshada wax gudbisa iyo kuwa loo gudbinayaba.

Waxaa laga yaabaa in aad ka arradantahay dhanka wax ku gudbinta carrabkaaga oo sida aad qallinka wax ugu gudbin karto aadan afkaaga iyo carrabkaaga ugu gudbin Karin, sidaas si la mid ah waxaa jira mid afka ku qaraabta oo marka uu afka kala qaadaba samaysta Asxaab badan ama Cadow fara badan aftahanimada uu qabo darteed.
Hadaba hadalka iyo qallinka waa laba qayb oo aad muhiim ugu ah gaarsiinta farrinta uu qofku doonayo in uu wax ku gaarsiiyo bulshada uu markaa la hadlayo nuuca ay doontaba ha noqotee.

Waxaa igu dhalshay in aan qoraalkan qoro kadib markii aan arkay dad badan oo Alle haybad u siiyey in ay wax qoraan, misana haybaddaas ama fursaddaas u adeegsanayaan qaab Khaldan oo in ay umaddu kusii kala fogaato ma ahanee aan isku soo dhawayn wax la dhaho qayb ka noqon Karin.

Dagaalka dhinacyada badan ee Fakarka ah ee umaddeena u dhaxeeyo wuxuu ahaa waayadan dambe mid si usii siyaadaya, awal haddii ay ahayd kuwa ficilka ku hadla ee gacantooda wax ka fuliya hadda waxaa soo baxay kuwa dhiiri galinaya kuwa afcaasha ku qaraabta ee shar wadayaasha ah, waliba ku dhiiri galinaya in ay wax aan la mahdin sameeyeen.
Inta xun ee umaddeena marka laga hadlayo waxay kala leeyihiin qaybo badan oo aan halkan lagu soo koobi Karin, balse, ka kooban Madax iyo Oday dhaqameed iyo Warbaahin dhinacyo kala gaddisan leh oo afafka dadkaas xun ku hadasha, sida warbaahinta la iska arko iyo tan la iska maqlo iyo midda wax laga daalacdo ee dhanka qoraalka ah.
Umadda ma wada xuma dhamaanteed mana wada xumaan karto oo ma ahan qaabka uu alle wax jideeyey, mar walbana dhanka fakarka iyo sida wax loo kala arko waa lagu kala duwanaanayaa sida xaqiiqda ah, waxaasa is waydiin mudan fakar kala duwanaashiyaha farqi intee la eg ayuu ku yeelan karaa umaddaas jiritaankeeda?

Qorayaasha Soomaaliyeed ma ahan maanta kuwa lagu soo koobi karo Caddad gaar ah, hadana, waxaa la dhihi karaa waa kuwa kaga jaanis fiican Tiifiiyada iyo Raadiyaasha oo qoraal ahaan inta umad ay gaari karaan laga yaabo in labadaas warbaahin aysan gaari Karin, hadana nasiib darrada ay noqoto in inta qof ee usoo qasadda aqrinta waxay soo qoreen aysan kala laaban Maskax fayow iyo Qalbi qanacsan ama wax farxad galin kara laabta aqristayaashaas aan lasoo koobi Karin.

Qofka wax qoraya marka uu wax qoraya waxaa wanaagsan in uu marka hore maankiisa galsho in qoraalka uu qorayo uusan ku koobnayn oo kaliya qeexidda waxa uu jecelyahay iyo waxa uu dhab ahaan u aaminsan yahay, ee uu yahay qoraalkiisa qoraal gudbinaya farrin baaxad wayn, taas oo saamayn aan lasoo kobi Karin ku yeelanaysa kumanaanka qof ee qoraalkiisa aqrin doonta.

Micnaha aan ugala jeedo ayaa ah in qofku muujiyaa oo si taxaddar leh uu maankiisa u galshaa in uusan isaga kaliya isla hadlayn ee uu la hadlayo Umad isaga la mid ah, balse, marka uu Qallinka wax ku qorayo ka daahsoon, si dadbanse ula socota waxa uusoo gudbinayo.

Qofka wax qorayo marka hore waa in uu hankiisa miisaama oo uu ku miisaama bulshada uu la hadlayo ma bulsho isaga ku qaas ah baa mise waa bulsho guud? haddii ay bulshada uu la hadlayo gaar isaga ku tahay markaa waxaa wanaagsan in uu qoraalkiisa si gooni ah ula tiigsado meelaha ay bulshadaas gaarka ku tahay, waana in uu mar walba qoraalkiisa ka ilaaliya wax kasta oo farriin dadban u noqon kara nacaybka ama xagal daacinta inta aan isaga iyo bulshadiisaba ku fakarka ahayn.
Qasadkayga ayaa ah, in qofka Qoraaga ah ee Qallinka adeegsanaya uu mar walba dhanka wanaagsan wax ka qoraa maadaama mas’uuliyad balaaran ay saarantahay, haybadna loo siiyey wax aysan umadda dhan wada haysan.
Qiimaha qoraaga waxaa la dareemaa marka qofka aqristaha ah uu qoraalka qoraaga wax canaab ah u helin, xiisana ay ku abuurto aqriska qoraaladiisa, ama ugu yaraan uusan ka helin aqristayaasha farriin muujinaysa in uu Gaf galay oo umad kale u gafay.

Qalinlayda wax qorta waxaan ku baraarujin lahaa in ay qallinkooda Qadda ka baxaysa halka ay ku dhacaysa daalacdaaan oo dib u eegis ku sameeyaan qoraaladooda, si aan marnaba looga dheehan in qoraalku uu gudbinayo farriimo dadka qaar wal wal galsha kuwa gaar ahna farxad galsha.

Umadda is qabashadeeda waa qayb ka mid ah qaabka ay nolosheena u socoto, balse in aan maanta ku farxaa dhibaatada Bulsho aan igu fakar ahayn, micnaheeda waa in aanan ogaal u lahayn dhabta nolosha iyo waqtiga is gad gaddiskiisa.

Qallinkaaga mar walba waxa uu qorayo waa wax ka tarjumaya qiimahaaga shaqsiyadeed ee gaarka ah, wuxuu kaloo tilmaan ka bixinayaa heerka hankaaga ka bulsho ahaan ama shaqsi ahaan aad ka taagnaan karto.

Hadaba maadaama Qallinku u tilmaan u yahay nafsaddaada waxaa wanaagsan in aad mar walba asturnaan muujiso, xitaa runta ka hadalkeeda marka ay keenayso kala fogaashiyaha Umadda ama dhaawicidda Dadka qaar waxaa wanaagsan in aad ka gaabsato, taas macnaheedana ma ahan in aan ka wado Runta yaan la sheegin.

Runta sheegis waa mudantahay waasa goormee in la is waydiiyo ayaa ka horayso inta aan lagu dag dagin baahinteeda, maxaa yeelay, Run aad sheegtay haddii ay keenayso Khasaaro badan waxaa wanaagsan in laga baaqsado, sababtana waxay tahay bogsanaanta ( Bad qabka) bulshada ayaa wax walba ka muhiimsan, waana in taa la wada gartaa.

Hadaba, Qoryaasha waxaan kula dar daarmi lahaa in ay u hiiliyaan bulshadooda ugana hiiliyaan Xumaan, is nacayb iyo isku ciil qabidba, waa in uu ogaadaa Qoraha in uu yahay mid ka mid ah Dhaqaatiirta la doonayo in ay dabiibaan, Daacuunka dhanka qalbiga ah ee bulshadeena ku habsaday.

Ugu dambayn, Qore waxaan ku dhihi lahaa qayb ha ka noqon dhibaatada jirta haddii aadan xalkeeda noqon karayn ugu yaraan qallinkaaga yuusan qarracan iyo qalaalasa sabab u noqon, iska jooji Qallinka qalloocan.

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

(Alshahid) –