Madaxweyne Gaas oo sheegay in maamulka Galmudug oo uu kala shaqeynayo Nabada...

Madaxweyne Gaas oo sheegay in maamulka Galmudug oo uu kala shaqeynayo Nabada Gaalkacyo..

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa sheegay iney ka go’an tahay in Puntland iyo Galmudug ka wada shaqeeyaan nabada magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

 ‘’Waan ku celinayaa mar kale in Nabada laga shaqeeyo innaan Juhdi badan galino,colaad iyo Nabad midaad qaadataba annagu waan og nahay Madaxda waxbaa lagaa sheegayaa,haddii aad Nabad qaadato waxbaa laga sheegayaa,hadaad colaad qaadataba waxbaa lagaa sheegayaa,adiga oo Naf badnaadinaya oo Nabada ka shaqaynaya wax halagaa sheego’’Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

 Madaxweyne Cabdi Wali Max’ed Cali Gaas oo hadalka sii wada ayaa tilmaamay iney aad uga xun yihiin lana murugoonayaan Ehalkooda dadkii ku dhintay dagaalkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo,isagoo carabka ku adkeeyay iney dadaal u galayaan sidii dadkii barakacay magaalada loogu soo celin lahaa.

 ‘’Waxaa haray waxa weeye waxa aan ku hadlayno in ficil loo badalo,sababtoo ah maalintii qof naga dhinto ama qof Gurigiisa ka barakacay uu geed hoostii ku dhibaataysan yahay waxbaan ku yeelanaynaa ee waxba ku tari mayno’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

 Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxmed Cali ‘’Gaas’’ ayaa rajo wannaagsan ka muujiyay in dadku isdhexgalo oo laga wada shaqeeyo Nabada Gaalkacyo.

 ‘’Dhibaatadu inay intaa noogu ekaato oo dadku ay Guryahooda kuso laabtaan ayaan rajaynayaa,waxaan rajaynayaa in magaaladu ay Mustaqbalka noqoto magaalo mid ah oo dadku ay wada Ganacsadaan oo ehel ah ay noqdaan oo carruurtooda iyo Jiilasha soo socda Mustaqbal wannaagsan uga taga’’Ayuu hadalkiisa kuso afmeeray.

 Ciidankii isku hor fadhiyay furinta magaalada Gaalkacyo ayaa la kala qaaday,waxaana hada magaalada laga dareemayaa jawi nabadeed.