Sawiro: Ciyaarta Leebka & Qaansada oo Boondheere..

Sawiro: Ciyaarta Leebka & Qaansada oo Boondheere..

Ciyaarta waran tuuridda (qaanso & leeb), ayaa toddobaadkan lagu Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, waxaana isku soo ballansaday duqooshin carruurnimadoodii ciyaari jirtay.

Ciyaartan waxay ka mid tahay ciyaaraha dhaqanka ee Somalida, waxaana dalka laga ciyaari jiray xilligii berri-simaadka, inkastoo la dhihi karo waxay meesha ka baxday amaba ay si weyn u yaraatay, wixii ka dambeeyay burburka Dowladdii Dhexe.

Odayaasha, ayaa laba koox isu qaybiyay, waxayna tooganaayen goobada loogu talla-galay in shiishka lala helo. Kooxdii guuleysata ayaa saf galeysa, halka kuwo laga guuleystana lagu amro inay fallaaraha soo uruuriyan, inta ay ciyaartu socoto.

Ciyaartu waa mid xiiso gelinaysa dhalinta iyo duqooshinka ciyaaraysa, sida uu sheegay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane, oo ciyaartan ku sheegay mid madadaalo ah, sidoo kalana ay banaan tahay in la qabto oo la ciyaaro.

Afhayeenka wuxuu tilmaamay diin ahaan inaanay wax dhibaato ah lahayn, isagoo intaa ku daray inuusan qofku waxba ku weynayn amaba kaga lumayn. Waxa uu xusay haddii aad shiishka la heli weydo goobta loogu talla-galay inaad ku weynayso dhowr ka mid ah fallaarahaaga amaba heerka horaynta ciyaarta.

Xalane, ayaa sheegay inay wanaagsan tahay inaad barrato sida loo ciyaarto ciyaartan, taa oo qofka ka caawinaysa xerfadiisa inuu wax beegsado. Barrashada ciyaartan ayuu sheegay inay u wanaagsan tahay sida dabaasha oo kale

3e962cbc6d10f2658d19ade9288cd5da35197b50a04bdb4d