GAALKACYO IYO AYAAMEHEEDA – Col. C/laahi Yuusuf & Gen. Maxamed F. caydiid

GAALKACYO IYO AYAAMEHEEDA – Col. C/laahi Yuusuf & Gen. Maxamed F. caydiid

Gaalkacyo waa xarunta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, waxayna isku xirtaa Bari iyo Galbeed, Woqooyi iyo Koonfur; sidaa darteed waa magaalo ganacsi oo ay maraan dadka iyo badeecooyinka u kala gooshaya qaybaha dalka. Gobolka Mudug wuxuu hadda ka koobanyahay shan degmo oo kala ah: Gaalkacyo, Jirriiban, Hobyo, Xarardheere iyo Galdogob, horayna wuxuu uga mid ahaa sideedii gobol ee jirey Kacaankii ka hor, xilligaasna Gaalkacyo waxay xarun u ahayd gobolka Mudug isaga oo intaan ka baaxad weyn intii aan laga jarin gobolkii loo bixiyey Galguduud oo xarunta looga dhigay magaalada Dhuusamareeb.

Gobolkan Mudug (macaa Galguduudiisa) waxaa dega qabaa’il wada dhashay oo is dhalay, soomaalida kalena aysan kala saari karin inay iyagu is kala soocaan mooyee; waayo waxay wadaagaan sifaad iyo dhaqamo badan oo samaan iyo xumaanba leh laakiin waxay aad u wariyaan sida ay dhalasho ahaan u kala duwan yihiin iyo dhibta ay isu geysteen ee ma sheegsheegaan sida ay isugu dhaw yihiin, isu dhaleen ama wax isu tareen. Si kale haddii loo dhoho ma wariyaan taariikhdooda wanaagsan ee taariikhdooda inta ugu xun kaliya ayay baahiyaan oo buunbuuniyaan.

Rag badan oo ikhyaar ah ayaa iiga waramay xiriirkii walaalnimo, abtinimo, xididnimo, darisnimo, gaashaanbuuraysi iyo saaxiibtinimo ee ka dhexeeyey beelihii wada deganaa Hobyo iyo deegaanadii raacsanaa. Markii Hobyo lugu kala tagey dadkaas waxay u qeybsameen magaalooyin ay ugu muhiimsanaayeen Gaalkacyo iyo Ceelbuur. Qeyb ka mid ahna waxay degtay Muqdisho iyo magaalooyin kale. Dadkii ku walaaloobay Hobyo iyo deegaanada raacsan waxay sabab u noqdeen isku xirka Soomaaliweyn, waxayna iyaga oo isku duuban saldhig u noqdeen kacdoonadii gobanimo doon ee gumaysiga lagaga soo horjeeday.

Aniga oo aaminsan in gumaysigii saldhig u ahaa waxaa aad loo dhalan rogey taariikhdii iyo xiriirkii wanaagsanaa ee gobolkaan iyo dadkiisu lahaayeen ilaa laga dhigay meesha iyo dadka soomaali colaadoodu ugu caansantahay, uguna saamaynta badan tahay. Ilaa iyo haddana ma soo bixin cid hor-istaagta ama tirtirta dhalanrogaas taariikheed ee gobolka iyo dadkiisa ama Soomaalida kaleba laga sameeyey, waanse rajeynayaa gooray noqotaba in rag rag ahi qalinka u qaataan.

Dadka gobolkaan kasoo jeeda waxay ku jireen dagaalo isdabajoog ah, qax iyo haantaawilif laga soo bilaabo 1979kii ilaa maanta. Dagaaladaas iyo dhibaatooyinkaas ay muddada dheer ku soo jireen kuma koobnayn iyaga iyo degaanadooda kaliya ee waxay sababeen burburka soomaali oo dhan dal iyo dadba; waayo gobolkaan Ex-Mudug waxaa ka soo jeeda raggii ugu saamaynta badnaa taariikhda Sooaamlida nus qarnigii ugu dambeeyey, sida: Maxamed Siyaad Barre, Maxamed Faarax Caydiid iyo C/laahi Yuusuf Axmed.

Gaalkacyo iyo maalmaeheeda

Kacdoonkii mucaaradka ahaa ee uu hoggaamiyey Col. C/laahi Yuusuf muddo dheer ayuu dib u dhigay kobocii Gaalkacyo gaar ahaan dhinaca woqooyi; waayo dadkii dhisi lahaa oo hormarin lahaa ayaa saldhig u ahaa kacdoonkaas.

Kacdoonkii kale ee mucaaradka ahaa ee uu hoggaamiyey Gen. Maxamed F. caydiid isna muddo kale ayuu dib u dhigay horusocodkii magaalada maadaama dadkeedu saldhig u ahaayeen kacdoonkaas.

Colaadihii beelaha ee ku sii xigeyna muddo kale oo dheer ayay magaalada dib u celiyeen, aakhirkiina waxayba sabab u noqdeen burbur iyo in lugu kala guuro magaalada.

Dabayaaqadii 1990kii Ayaan imid Gaalkacyo iyada oo qeybta koonfureed cidla tahay. Wuxuu ahaa muuqaal foolxun oo qofkii diin iyo damiir leh danqinaya gaar ahaan qofkii ku noolaan jirey Gaalkacyo oo ehelkeedu u dhanyahay.

Bilowgii sanadkii 1991kii ayaa mar kale laga barakacay woqooyiga magaalada, muddo ka dibna waxaa laga barakacay dhinaca koonfurta ilaa mar kale magaalada la soo wada dagey 1993kii. Taas oo ka dhalatay heshiis lugu gaarey magaalada Muqdisho in magaalada ehelkeedu nabad iyo walaalnimo ku wada daganaadaan.

Waxaan magaalada imid dabayaaqadii 1993kii iyada oo in badan dunsantahay, dhinaca koonfurtana dad aad u yar ku soo noqdeen. Wuxuu ahaa muuqaal isna foolxun laakiin rajo iyo hididiilo xambaarsan.

Wixii ka dambeeyey heshiiskii 1993kii magaalada nabad guud ayaa lugu wada daganaa. Wixii qas iyo xasarad ahna mar walba waa la xallinayey. Waxaa kale oo maagalada muddo dib u riday, jiif iyo joogna u diiday gaar ahaan dhinaca woqooyi Xarakada Al-shabaab oo ku xasuuqday dad badan oo xulkii magaalada ah.

Magaalada qeybta woqooyi aad bay u kobocday laga soo bilaabo 1993 kii, halka dhinaca koonfureedna si xawli leh u kobcay markii laga soo barakacay Muqdisho 2007dii ilaa magaaladii hal mar is wada bishay oo isu dhigtay caasimad dadkeedusi wada jir ah u dhisanayo.

Maxaa loogu heshiiyey in magaalada la wada daganaado?

Raggii xilligaas magaalada joogey waxay ii sheegeen in markii lugu kala guuray ay meeshii magaalaba noqon weyday oo ay isu badashay xarun jabhadeed oo aan nolol macna leh ka suurtoobayn. Waxaa u sii dheeraa in qolada markaas kaligeed dagani waligeed ku jirayso dhiillo iyo colaad u joog ee aysan nabad ku seexanayn maadaama qolada ka maqani ay colaad ugu maqan tahay. Taa macnaheedu waxaa weeye in aynu wada joogno ayaynu kaga wada dhargeynaa, haddaynu ku kala guurnana waynu ku wada qadaynaa, waana xaqiiqada ay isla fahmeen raggii xilligaas hoggaamiyayaasha u ahaa bulshada deegaanka oo ay hormuudka u ahaayeen Gen. Caydiid iyo Col. C/laahi.

Haddaba Su’aalaha maanta isweydiinta leh waxaa weeye baahidii maalintaas magaalada iyo ehelkeedu u qabeen inay nabad ku wada daganaadaan miyaa meesha ka baxday, mise qolo inay kaligeed daganaato ay ugu caano badinayso ayaa jirta, mise hadda waxaa taagan coloaad ka culus middii taagneyd maalintaas dhiiggu qoyanaa, mise waxaa soo kordhay mashaakil kale oo kuwii xilligaas jirey ka culus oo cid xallisa la waayey, mise raggii xilligaas dadka u talinayey ayaa kuwa maanta jooga ka garaad roonaa ama ummadda uga naxariis badnaa? .

Waa socotaa

Sh. Axmed Cabdisamad
Email: alwaqaar@hotmail.com