Madaxweynaha Dowlada Galmudug oo Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ka furay Cadaado

Madaxweynaha Dowlada Galmudug oo Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ka furay Cadaado

(HM)-Madaxweynaha  Dowlada  Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG u ah   ee Dowlada  Galmudug maanta ka Furay Shirka Madasha-wada-tashiga Qaran ee looga hadlayo Doorashooyin Soomaaliya ka dhaca Sanadka 2016-

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka,waxaana Wasiiradda ka mid ah Wasiirka  Cadaaladda C/llaahi Axmed Jaamaca “Ilka Jiir”.

Shirka ayaa looga hadlayaa Arrimo ay ka mid yihiin sida Doorasho ay uga dhici karto Soomaaliya iyo sidii looga shaqeyn lahaa in Doorashadu ay ku dhacdo si Hufan.

Madaxweynaha  Dowlada Galmudug ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uu ku Faraxsan yahay in Shir nuucaan oo kale ah laga furo Magaalada Cadaado ee Xarunta hadda u ah Maamulka Galmudug, Waxana uu shaaca ka Qaaday in ay Diyaar u Yihiin in ay Kaaalin Wayn ay ka Qaataan Sidii Soomaliya Doorasho Xor ah ay uga Dhici lahayd isla Markana Galmudg ay Diyaar u tahay in Dalka uu sii Hano Qaado

 Qudbada Madaxweynaha galmudug oo ahayd mid Xasaasi ah oo dadku ay dhagaha la Sii Raacayeen aya Waxa uu ku soo Hadal Qaaday Arimaha Xaalada Dalka, Waxana uu tilmaamaya in Dalka uu wax badan iska Badalay isla Markana Dowlada  Hada Talada Heysa ay Degaano Farabadan ka Faro moorejiyeen Al-shabaab isla Markana amniga Wadanka uus oo Hagaagayo

Sikastaba Shirkan aya la Filaya in uu Wax badan la Taaban Karo uu ka Soo Baxo Waana Markii Ugu Horeysay oo Shirkan oo kale Cadado ay Marti galiso Tan iyo Markii Dowlada Galmudug Halkaasi lagu so Dhisay.