Madaxweynaha oo si rasmi ah u furay shirka wadatashiga aayaha dalka

Madaxweynaha oo si rasmi ah u furay shirka wadatashiga aayaha dalka

Goor dhaw waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ka furmay shirka wada tashiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul gobaleedya.

ib4

Shirka ayaa waxaa furay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh Maxamuud waxaana shirka goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin uu kamid ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynayaasha Gobolada dalka.

Shirkan ayaa looga arrinsanayaa inta uu socdo hirgelinta hanaanka loo marayo doorashada ka dhaceysa dalka nuuca ay noqoneyso iyo qodobo kale oo muhiim ah, iyadoo furitaanka maantaa uu ka hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamauud oo sharaxay sida ay muhiim u tahay in Soomaaliya oo wadajirto ay qorshe cad la timaado si caalamkuna ugu caawiyo qorshahaasi.

Shirkaan ayaa uljeedkiisu waxa uu yahay in laga wada tashado hanaanka ay u dhici doonto doorashada madaxtinimada dalka sanadka 2016-ka iyo sidoo kale in laga wada hadlo arrimaha ku aadan waxyaabaha la kala tabanayo.

“Wixii aan isku raacno ayaan xambaareynaa, waxaan aad iyo aad u soo dhaweynayaa afkaaraha wanaagsan, wixii aan ku kala duwanaano waan xalineynaa, qorshahan Soomaalida ayaa iska leh, hadii ay ceyb ka timaado anaga ayaa ka mas’uul ah, haddii lagu guuleysto anaga ayaa iska leh, marka saaxiibadeena caalamka waxaan uga baahanahay inay nagu taageeraan qorshahan aan wadno, shirka wadatashiga Qaran wuu noo furanyahay” ayuu yiri Madaxwene Xasan Sheekh.

Madaxweynayasha maamul goboleedyada oo dhankooda ka hadlay shirka ayaa tilmaamay in ay tahay tallaabo aad u muhiimsan oo madaxdu ay ka tashaneyso aayaha dalka, ayna diyaar u yihiin in si wada jir ah looga qeyb qaato arrinta.