Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah el-Sissi oo dhaariyay xukuumada cusub

Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah el-Sissi oo dhaariyay xukuumada cusub

Madaxweynaha dalka Masar Abdel-Fattah el-Sisi ayaa dhaariyay xukuumad cusub toddobaad kadib markii ay is casishay dowladii hore oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.
sisi-170x114 (1)

Xukuumadan cusub oo ka kooban 33 wasiir ayaa waxaa madax ka ah ra’iisul wasaare Sherif Ismail oo ahaa wasiirkii hore ee batroolka. Dowladii hore ee uu madaxda ka ahaa Ibrahim Mehleb ayaa lagu eedeeyay in ay ku kacday qaadasho laaluush gaaraya hal Malyan oo dollar waxaana xeer ilaaliyaasha dalka Masar ay bilaabeen baaritaano ku aadan eedeymaha.

Golaha cusub ee xukuumadan ayaa 3 kamid ah waxa ay yihiin haween, waxana lagu soo daray 16 wasiir oo cusub kuwaasoo ay ka mid yihiin labo wasiir oo xilal ka soo qabtay xukuumadii la afgambiyay ee Xusni Mubarak.

Labadan wasiir Zaki Badr iyo Hisham Zaazou ayaa loo dhiibay isla wasaaradihii ay hore ugaga soo shaqeeyeen dowladii Mubarak ee ahaa wasaarada Waxbarashada iyo Wasaarada Dalxiiska. Wasiirada arrimaha gudaha,cadaalada,gaashaandhiga,maaliyada iyo maalgashiga ayaa loo daayay wasiiradii hore ee xukuumadii Ibrahim Mehleb.

Ra’iisul Wasaaraha cusub Sherif Ismail ayaa sumcad weyn ku yeeshay dalka Masar kadib markii dhamaadkii bishii aynu ka soo gudubnay ay shirkad laga leeyahay dalka Talyaaniga Eni SpA ay ka heshay xeebta dalka Masar ceel shidaalka ku keydsan uu yahay kan ugu ballaaran ee abid laga helo badda Mediteraneanka.