Warbixin murugo leh: Wiilal Soomaaliyeed oo meyd barkaday badda dhexdeeda

Warbixin murugo leh: Wiilal Soomaaliyeed oo meyd barkaday badda dhexdeeda

Qulqulka dhalinyarada Soomaaliyeed ee doonaya inay nolol ka helaan wadamada Yurub ayaa la kulma inta ay ku guda jiraan safarkooda dhacdooyin kala duwan oo u badan kuwo murugo leh oo marna aysan hilmaami doonin noloshooda.

Sideed dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka badbaaday dooni ay la socdeen 31 qof oo ku burburtay badweynta u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga ayaa waxay mudo shan cisho ah ku dhex jireen badda oo ay dabaalanayeen, waxaana dhacday in marka ay daalaan ay ku nastaan meydadka saaxiibadood ee geeriyooday, kuwaasoo badda dhex sabeynayay.