Isku aadka Koobka Horyaalada Yurub oo la sameeyay iyo Messi oo ku guuleystay Xidiga Yurub

Isku Aadka Koobka Horyaalada Qaaradda Yurub ee loo yaqaano UEFA Champions League ayaa caawa lagu sameeyay magaalada Monaco ee dalka Faransiiska, iyadoo xilli ciyaareedka 2015/2016 uu ka duwan yahay kuwii hore.

Markii u horeysay taariikhda ayaa waxaa kooban ka qeyb galaya shan kooxood oo ka socda Horyaalka Spain.
Isku aadkan Kooxaha ka qeyb galaya Koobka Champions League ee xilli ciyaareedkan 2015/2016 ayaa waxaa wax ka sameynayay saddex ka mid ah Ciyaartoydii Barcelona u soo qaaday koobkan sanadihii 1992, 2006 ilaa 2009-kii.

Finalka Koobkan ayaa lagu qaban doonaa magaalada Milano, gaar ahaan garoonka Sansiro, waxaana nasiib darro ah in labada kooxood ee ka dhisnaa magaaladaas ee kala ah AC Milan iyo Inter Milan aanay Tartankan qeyb ka aheyn.

Dhinaca kale ciyaaryahan Lionel Messi oo kooxdiisa Barcelona xilli ciyaareedkii hore u qaaday koobab dhowr ah oo ay ku jireen Champions League, Horyaalka Spain, Copa Del Rey, Super Copa Yurub ayaa waxaa uu noqday Xidigga sanadka ee Yurub, kadib markii uu ka guuleystay xidigaha kala ah Cristiano Ronaldo iyo ciyaaryahanka kale ee ay isku kooxda yihiin ee Suarez.

Hadaba halkan hoose ka akhriso sida ay isugu soo beegmeen Kooxaha ka qeyb galaya Tartankan iyo Group-yada ay ku jiraan:-
Group A: Paris Saint-Germain, Real Madrid, Shakhtar Donetsk, Malmö

Group B: PSV Eindhoven, Manchester United, CSKA Moskva, Wolfsburg

Group C: Benfica, Atlético, Galatasaray, Astana

Group D: Juventus, Manchester City, Sevilla, Borussia Mönchengladbach

Group E: Barcelona, Bayer Leverkusen, Roma, BATE Borisov

Group F: Bayern München, Arsenal, Olympiacos, Dinamo Zagreb

Group G: Chelsea, Porto, Dynamo Kyiv, Maccabi Tel-Aviv

Group H: Zenit, Valencia, Lyon, Gent