Doorasho ma dhici karto 2016 waa la sugaayay

Doorasho ma dhici karto 2016 waa la sugaayay

Waxaan jeclaystay inaa is dultaago arrintii Talaadadii (28/07/2015) ee Xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliyeed ku sheegeen in ay isla meel dhiggeen qodobo khuseeya doorashada Baarlamaan iyo Madaxweyne ee 2016, qodobaddaas oo sidaan u qoran:

1- Labada gole ee dowladda waxay isla garteen oo ay isku raaceen in sanadka 2016 dalka ka dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod ah

2- In la qabto shirweyne heer qaran ah oo ay ka qeyb galayaan golayaasha dowladda iyo maamul goboleedyada dalka, kaasoo looga tashanayo tallaabada ay dowladda qaadeyso si dalka doorasho uga dhacdo 2016 Agosto marka la gaaro, maadaama aanay dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod ah

3- In qaban qaabada howsha hiigsiga 2016 iyo tallaabada dowladda qaadeyso lagu soo gaba gabeeyo dhamaadka sanadkan 2015, si 2016 shaqada u bilaabato

Qodobadaas waxay ku tusinayaan in Madaxweyne Xassan Sheekh iyo ururkiisaba si buuxda ugu fashilmeen balanqaadyadii ay ku soo galeen doorashadii. Wuxuu fashilkaasi isugu jiraa mid siyaasadeed, amni iyo Maamulba. Madaxweynaha wuxuu siyaasiyan u fashilmay ka dib markii uu la diriray laba Raysal Wasaare kuwaas oo sababta khilaafka uu lahaaa Madaxweynaha iyo kooxdiisa, oo ay ka muuqatey aradnaan siyaasadeed iyo khibrad xumo aysan kala garanayn sida loo kala leeyahey maamulka iyo maareynta dalka. Taas waxa ay sababtey in wadankii galo jahawareer siyaasadeed iyo niyad jab shacbi, waana midda ilaa hadda ay yartahey kalsoonidda lagu qabo hogaanka dalka

Markaa eegno haybaddii Dawladda Dhexe waxaa dareemaysaa in dhaawac weyni gaarey markii Maamul Goboleedyaddii noqdeen kuwo ku awooda Dowladda, waxaana u sabab ah Madaxwenaha iyo kooxdiisa Xukuumadda horboodihii ula macaamilaan taas oo loo baahnaa in maqaamka iyo maamuuskaba ay Xukuumadda Dhexe sareyso, waxaase mooddaa sidii waqtigii kumeelgaarka inay weli arrimuhu sidii yihiin ee is barbar-yaacnimada ku saleysnaa.

Aminiga wadanka waxaa kalsoonida shacabku wanaagnsaneed habeenkii la doortey Madaxweyne Xassan Sheekh, kuna beegneed 10-kii Sept ee sanadkii 2012-ka, xiligaas waxaa jirtey niyad wanaagsan sababtoo ah waxey aheyd waqti horumar amni jirey, ciidan niyad wanaagsan, xamaasadna u wehliso guulo badan oo ay ka sameeyeen goobaha dagaalka, kulana jireen Kooxaha mucaaradka awgeed.

Hadda xaalka amni wuxuu ku sugan yahey meel iskaba dhaaf Ciidamadii Qaranka in ay sidii hore ka wanaagsan yihiin, xitaa kuwii AMISOM ay niyad jab badan ka haystaan dagaalada, oo iyagii la xasuuqaayo, Ciidankii Qarankana la tiicayaan mushaar la’aan, hogaan xumo iyo kala daadsanaani meel xun gaarsiisay xaalkooda, oo aysanba hayn niyad ay amniga dadweynaha iyo dalkaba. Waxaa intaa sii dheer iyada oo Caasimaddii si joogto ah uga hawlgalaan kooxaha mucaaradka, ayna gaysanayaan dilal qorsheysan, weeraro joogto wehliyaana qaraxyo Saraakiil Dowladeed iyo shacaba ku dhamaadeen wax ka qabadkoodana uusan muuqan.

Ugu dambeen Madaxweynaha siyaasadiida waxaa ragaadiyey hogaan xumo, eex qabiil iyo mid kooxeedba, karti daro hogaamineed, khilaafyo Xukuumada dhexeeda ah, is barbaryaac joogto ah oo Maamul Goboleedyadda kala dhaxeeya Xukuumadda Dhexe, fara-gelin iyo saamaynta Dowladaha deriska la ah Soomaaliya, oo ay muuqato in Dowladda Somaliya ee Madaxweyne Xasan Sheekh hogaamiyaahi ku fasaxdey wadanka.

Dadka Soomaaliyeed cidna uma maqna, ceelna uma qodna. Shacabka waxaa sugaaya arrimo badan oo mugdi badani ku jiro, sida xaal noqon doonana lama garan karo marka la gaaro 2016, sida in doorasho macquula ay wadanka uga dhici karto iyo cidda saamayn ku yeelan doonta arrimahooda khuseeya mustaqbalka Soomaaliya. Nasiib darose waxey jireysaa markii hogaankan hadda jiraahi uu waqti sii kororsado ama ay sii jooggaan muddo kale oo afar sano ah, maadaama horey waxqabad xumadiisa loogu soo joogey.

Allow dalka noo hagaaji, hogaan wanaagsan oo cadaalad ahna noo door.

Wa bilaahi towfiiq