Dhismaha maxkamadda g/banaadir oo maanta xarigga laga jaray: SAWIRRO

Dhismaha maxkamadda g/banaadir oo maanta xarigga laga jaray: SAWIRRO

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xariga laga jaray, kadib markii lagu sameeyay dayactir in mudo ah soo socday, waxaana gacan ka geystay Midowga Yurub oo bixiyay dhaqaalaha ku baxay dayactirka maxkamadda gobolka.

Mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaran, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Garsoorayaal ayaa ka qeybgalay munaasabada xariga looga jarayay xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir.

maxkamad-gobolka-banadir-3

Dr. Xaashi Cilmi Nuur oo ah Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir oo ugu horeyn ka hadlay xaflada ayaa sharaxaad ka bixiyay qaababka kala duwan oo ay soo mareen shaqooyinkoodii maxkamada iyo inay doonayaan in xarunta laga Raro Maxkamadaha ay ka midka yihiin tan millateriga loona dhiso Xarumahooda.

maxkamad-gobolka-banadir-2

Sidoo kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qarank, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa ka Dal-baday Mas’uuliyiintii ka socotay Waddamadda Deeq-bixiyeyaasha inay taageero dheeraad ah ku bixiyaan Dhismaha Xarumaha Maxkamadaha Dalka.

Xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ah goobta maanta Xarigga laga jaray kaddib Dayactir in muddo ah ku socday ayaa noqonaysa Xarun u gaar ah Maxkamadda Gobolka Banaadir, maadaama in muddo ah ay ahayd Xarun ay ku dhex-shaqeynayeen Xafiisyada Maxkamadaha kale ee dalka ka jira.

maxkamad-gobolka-banadir-4

Wasiirrada Cadaalada iyo Amniga Gudaha oo Xafladda Goob-joog ahaa ayaa xafladda ka sheegay inay Midowga Yurub uga Mahad-celnayaan Dhismaha ay ku sameeyeen Xarunta Maxkamadda Gobolka ee Maanta Xarigga laga jaray.

Dhinaca kale, Xubno uu ka mid ahaa Safiirka Midowga Yurub ee Somalia ayaa Madasha ka sheegay in Midowga Yurub uu ballaarin doono Qorshaha ku aaddan dib u dhiska ay ku sameynayaan xaruumaha danta guud ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Ceydiid C/llaahi Ilka-Xanaf ayaa sheegay in dowladda iyo Bulshada Soomaaliyeed uu ka codsanayo in ay ixtiraamaan Garsoorka Dalka, wuxuuna ku cel-celiyay inay xilligan haystaan Garsoorayaasha dalka ay haystaan dhaqaale-xumo iyo ammaan-darro.

maxkamad-gobolka-banadir-5