Chelsea iyo Liverpool oo laga badiyay halka Man City iyo Arsenal ay...

Chelsea iyo Liverpool oo laga badiyay halka Man City iyo Arsenal ay badiyeen

Ciyaaro xiiso badan lahaa ayaa maanta waxa ku kulmay qaar ka mid ah naadiyada horyaalka Ingiriiska inkastoo kooxaha waaweyn aysan isku dhicin.

Natiijooyinkii kulamada ayaa ahaa qaar la yaab lahaa waxaana kulan aan natiijadiisa dadka ka fajiciyay wada ciyaaray Liverpool iyo West Ham waxana kulankan uu ahaa mid marti loo ahaa Liverpool.

West Ham waxa ay saddex gool dhabarka u saartay Liverpool iyadoo kooxda martida loo ahaa ee the reds aysan wax gool ah dhalin. Kulankan ayaa kaarka cas loo taagay Coutinho oo ka mid ah ciyaaryahanada naadiga Liverpool.

Manuel Lanzini oo u ahayd kulankii ugu horeeyay ee uu u safto West Ham ayaa daqiiqadii 3aadba goolasha u bilaabay naadigiisa. Waxaana u labeeyay West Ham Mark Noble daqiiqadii 29aad halka goolka saddexaad ee hurdada u direy Liverpool uu dhaliyay Sakho daqiiqadihii dheeriga ahaa. Balse ciyaarta ayaa waxaa sidoo kale laga saaray laacibka West Ham ee Mark Noble oo kaarka cas loo taagay.

Kulan kale oo maanta la ciyaaray ayaa waxaa kooxda haysata horyaalka Ingiriiska ee Chelsea la kulantay guuldaro aysan fileyn waxaana garoonkeeda loogu saariyay guuldaro 2-1 ah. Naadiga Crystal palace ayaa kulankan wacdaro soo bandhigtay hase yeeshee qeybtii hore ayaa barbaro goolal la’aan ah lagu kala nastay balse qeybtii dambe ayaa waxaa hogaanka u dhiibay Crystal

Bakary Sako, balse Radamel Falcao ayaa Blues u barbareeyay markii ay ciyaarta ka hadhsanayd 11 daqiiqo oo kaliya, waxana uu ahaa goolkii ugu horeeyay ee uu Chelsea u dhaliyo. Hase yeeshee Chelsea oo aan iska fileyn ayaa goolkale waxaa ka dhaliyay Ward taasoo ka dhigay in Chelsea ay dhibic xitaa weyso toddobaadkan.

Kooxda Manchester City ayaa hogaanka sii dheereysatay kadib markii kulankoodii afaraad ay ay ka badisay naadiga Watford waxana Man City ay ugaga badisay kooxdan dhowaan soo gaartay heerka koowaad 2-0.

Goolasha ayaa waxaa u dhaliyay Manchester City Raheem Sterling iyo Fernandinho. City ayaa hogaanka horyaalka ku haysa 12 dhibcood kadib markii ay badisay afartii kulan ee ugu horeysay ee ay horyaalkan ciyaartay.

Kooxda Arsenal ayaa gool nasiib ah oo ay iska dhaliyeen kooxda Newcastle waxa ay si sahlan ku qaadatay 3dii dhibcood ee kulanka afaraad iyadoo haatan gaartay 7 dhibcood. Kooxda Newcastle ayaa ku ciyaareysay toban ciyaaryahan kadib markii Moussa Sissoko oo qalad ku galay Nacho Monreal kaarka cas loo taagay.

Kulamadii kale ee maanta laga ciyaaray dalka Ingiriiska ayaa waxaa ka mid ahaa AFC Bournemouth 1 – 1 Leicester City,Aston Villa 2 – 2 Sunderland , Stoke City 0 – 1 West Bromwich Albion iyo Tottenham Hotspur 0 – 0 Everton.