Baarlamaanka Jubbaland oo xubno cusub lagu kordhinayo

Baarlamaanka Jubbaland oo xubno cusub lagu kordhinayo

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada ee magaalada Kismaayo ayaa ku dhawaaqay in la kordhinayo baarlamaanka maamulka Jubba kaddib markii dowladdu ku talisaya rrinkaasi.

Toban xubnood ayuu sheegay in lagu kordhinayo baarlamaanka Jubbaland kuwaas oo soo xulistooda ay gacan ka geysaneyso dowladda dhexe ee Soomaaliya si meesha looga saaro tabashooyinka ay qabaan beelaha qaar.

Axmed Madoobe ayaa u mahadceliyay madaxda sare ee dalka isagoona sheegay in had iyo jeer maamulkiisu la garab taagan yihiin talooyin wax dhisaya.

Indhaweydba waxaa uu muran ka dhex taagnaa baarlamaanka cusub ee Jubbaland, waxaana dhawaan mooshin u qaaday maarlamaanka federalka kaas oo diiday sharci ahaantiisa.