87 ruux oo ku geeriyotay masjidka Makka kadib markii uu ku soo...

87 ruux oo ku geeriyotay masjidka Makka kadib markii uu ku soo dhacay wiish(SAWIRO)

Crane collapses into the grand Mosque in Mecca. Many casualties. 11/09/2015 source: Twitter

Ugu yaraan 87 ruux ayaa ku geeriyootay inkudhow labo boqolna waa ay ku dhaawacmeen kadib markii uu wiish ku soo dumay masjidka weyn ee magaalada barakaysan ee Makka Al-Mukaramah.

Saraakiil u hadashay boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa laga soo xigtey in wiishkan oo kamid ahaa qalab lagu dayactirayay qeybo kamid ah masjidka uu ku soo dul dhacay saqafka sare ee masjidka. Roobab dabaylo wata ayaa ka da’ayay maalmihii la soo dhaafay boqortoyada Sacudi Carabiya.

Magaalada barakaysanee Makka ayaa waxaa ay u diyaargaroobaysaa qaabilada malaayiin dad ah oo ka qeybgalaya gudashada xajka ee sanadkan,

Illaa hadda lama shaacin dadka ku dhintey shilkan wadamada ay ka soo jeedaan. Kumanaan Soomaali ah oo isugu jira kuwa ka tegey dalka iyo kuwo kale oo wadamada caalamka ka kala yimid ayaa ka mid ah malaayiinta ruux ee gudanaya waajibaadka xajka sanadkan.

Wiishka ayaa waxa uu soo dhacay xilli la tukanayay salaada Maqribka iyadoo masjidkana uu ahaa mid dad badan ay ku sugnaayeen. Waxaa soo baxay sawiro muujinayay wiishka oo soo dhacay iyo dad badan oo gargaar u fidinaya dadka waxyeeladu ka soo gaartay shilka.

sawiro-xaramka-1 sawiro-xaramka-2

Crane collapses into the grand Mosque in Mecca. Many casualties. 11/09/2015 source: Twitter
Crane collapses into the grand Mosque in Mecca. Many casualties. 11/09/2015
source: Twitter
Crane collapses into the grand Mosque in Mecca. Many casualties. 11/09/2015 source: Twitter
Crane collapses into the grand Mosque in Mecca. Many casualties. 11/09/2015
source: Twitter

sawiro-xaramka-4 sawiro-xaramka-6